Brazil sack Dorival Jr

Dorival Jr ayaa laga ceyriyay shaqada tababaranimo ee Brazil ka dib guul daradii foosha xumayd ee ka soo gaartay Argentina isreebreebka Koobka Adduunka.
Brazil ayaa 4-1 ku xasuuqday xulka ay aadka u xifaaltamaan ee Argentina kulan ka dhacay magaalada Buenos Aires horaantii todobaadkan markaasoo ay ahayd guuldaradii abid ugu xumayd ee ka soo gaadhay isreeb reebka koobka aduunka.
Brazil ayaa ku jirta kaalinta shanaad ee u soo bixida koobka aduunka ee 2026 ee koonfurta America. Lixda sare waxay u qalmaan si toos ah.
Tababarihii hore ee Flamengo iyo Sao Paolo Dorival Jr, oo 62 jir ah, ayaa loo magacaabay tababaraha Brazil bishii Janaayo 2024.
Beddelkiisa weli lama xaqiijin.
“Xiriirka Kubadda Cagta Brazil (CBF) waxa ay ku wargelinayaan in tababare Dorival Jr uusan hadda sii maamulin xulka qaranka Brazil,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay CBF.
“Maamulka ayaa u mahadcelinaya (Dorival) waxayna u rajeynayaan inuu ku guuleysto sii wadida xirfadiisa… CBF waxay ka shaqeyn doontaa sidii ay u heli lahayd bedelkiisa.”
fantastic articles