Man City transfer news, rumours and gossip: Live updates and latest on deals, signings, loans and contracts

Dias wuxuu dhalleeceeyay xeeladaha Southampton ee niyad jabka leh


Daafaca kooxda Manchester City ee Ruben Dias ayaa si xun u weeraray taatikada ay adeegsatay kooxda Southampton intii ay socotay ciyaartii barbaraha 0-0 ee ka dhacday garoonka St Mary’s Stadium.

Southampton oo horay ugu soo laabatay heerka labaad ayaa wax ka yar 30% heysatay galabtii, waxaana ay wajahday 26 darbo oo kaga yimid City, lakiin waxa ay la tageen kaliya shabaqeeda seddexaad ee xilli ciyaareedka.

Dhanka kale, City ayaa iska lumisay fursad ay ku sii xoojin lahayd booskeeda shanta kooxood ee ugu sareysa, waxaana ay haatan ku sii jiraan fogaanshiyaha kooxaha Champions League ee Newcastle, Chelsea, Aston Villa iyo Nottingham Forest.

Shan dhibcood ayaa u dhexeeya seddexaad iyo toddobaad iyadoo labo ciyaarood ay harsan yihiin.



“Waa wax laga xumaado, dhibic kasta hadda waa muhiim, niyad jabka ah inay la ciyaaraan koox iyaga oo kale ah, xitaa ma rabaan inay ciyaaraan, kaliya waxay ku luminayaan waqtiga ciyaarta oo dhan,” ayuu ka cawday Dias.

“Ma rabaan inay guuleystaan, kaliya ayay iska fadhiyaan, waxaan helnay fursado, mana aanan dhalin, waa waxa ay tahay.

“Mar walba waxaan eegnaa nafteena marka hore, ugu dambeyntii, waxaan ahayn kuwa sare, waxaana abuurnay fursado, tani waa kubada cagta.”

Isagoo ka jawaabaya hadalka Dias, maamulkiisa Pep Guardiola wuxuu yiri: “Maya, gabi ahaanba maya, waxay sameyn karaan waxay doonaan.

“Waa inaad jabisaa, waxaana helnay fursadaha, markaad dib u eegto fursadaha, waanu awoodi weynay inaan gool dhalino wayna dhacday, hadda waxaan diyaarineynaa finalka, haatana waa waqtiga xiga iyo Fulham.

“Kama aynaan dhalin hal darbo oo bartilmaameed ah, wax badanna ma aysan samayn, laakiin waa inaan aqbalnaa qaabka ay u ciyaaraan, waxaa iska leh Simon [Rusk] iyo ku xigeenadiisa, kuma raacsani Ruben, waa inaan aqbalnaa”

Guardiola: CL race will go right until the end

Tababare Pep Guardiola ayaa qirtay barbarihii gool la’aanta ahaa ee Southampton inay la micno tahay in Manchester City ay u dagaalami doonto ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka si ay ugu soo baxdo Champions League.

Inkasta oo guul ay ka gaadhaan xeebta koonfureed ay sare u qaadi lahayd heerka City oo ay ku jirto kaalinta labaad ee Arsenal, haddana shanta kooxood ee ugu saraysa sinaba lama hubo.

Kooxda Guardiola ayaa finalka FA Cup-ka la ciyaari doonta Crystal Palace todobaadka soo socda, markaas oo ay u badan tahay inay garaacaan Bournemouth iyo Fulham si ay u xaqiijiyaan inay iska joojiyaan baacsiga ay ku hayaan Newcastle, Chelsea iyo Nottingham Forest.

“Natiijada maanta, haa,” ayuu yidhi. “Waxaan heysanaa seddex kulan, hal final oo FA Cup ah iyo labo kulan (horyaal ah).

“Ma fileyn si ka duwan bil ka hor, in ay tahay dagaal ilaa dhamaadka.”

Guardiola praises Southampton defensive performance

Tababaraha kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa ka hadlay sida ay ugu adkayd kooxdiisu kulankii Southampton.

City ayaa barbaro 0-0 ah kula gashay Southampton oo mar horeba u dhacday garoonka St Mary’s Stadium sabtidii, taasoo sii hurinaysa tartanka loogu soo baxayo Champions League.

Shan dhibcood ayaa u dhaxaysa City oo ku jirta kaalinta saddexaad iyo Aston Villa oo ku jirta kaalinta toddobaad.

“Qeybtii labaad aad ayay u fiicneyd laakiin si qoto dheer ayay u difaaceen, ma fileyn.

“Waxaan helnay afar ama shan fursadood, nasiib darro ma aanan dhalin karin.

“Ma sameyn karno, si aad ah ayay u difaaceen, si qoto dheerna way u difaaceen.

“Saddex kulan ayaa noo haray, seddex final, maanta waxay noo aheyd ciyaar aad u weyn, waxaan ku jirnay orod cajiib ah, mar walba waa ay adag tahay, 11 ciyaaryahan ayaa ku jiray kalinta 18-aad, waa ay adag tahay.

“Waa waxa ay tahay.”

Similar Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *